War cusub: Barcelona Oo ciyaartoy la soo wareegi karta marka uu furmo suuqa kala iibsiga

 

FIFA ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay ciyaartoy la soo wareegi karto marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kaddib markii dib loo dhigay ganaaxii lagu riday kooxda.

Barcelona ayaa lagu ganaaxay inaysan wax ciyaartoy ah la soo wareegi Karin labada suuq furran ee na soo aadan maadaama lagu eedeeyay sida ay ula soo wareegto ciyaartoyda ka yar 18-jirada.

Hase-yeeshee FIFA ayaa iminka sheegtay inay Barca ciyaartoy la soo wareegi karto marka uu furmo suuqa xagaaga iyadoo dib loo dhigay ganaaxii lagu riday ilaa ay FIFA ka qaadato go’aanka ugu dambeeya ee ku aadan racfaanka  ay Barca ka soo gudbisay ganaaxa lagu riday.