Xiddigaha reer Brazil ee kooxaha Tottenham iyo Chelsea oo David Luiz kala qeyb galay xafladii dhalashadiisa 

 

Xiddigaha reer Brazil ee kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa ka soo muuqday xaflad loogu tala-galay sannad guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay maalintii uu dhashay difaaca kooxda Chelsea iyo isla xulka qaranka Brazil ee David Luiz.

David Luiz ayaa ahaa xiddig si weyn uga muuqcday kulankii qeybta ka ahaa semi-final-ka Champions League lugtiisa hore ay kooxdiisa Chelsea salaasadda  la soo dhaafay la yeelatay kooxda Atletico Madrid, kulankaas ayaa bar-bardhac goolal la’aan ah ku soo idlaaday.

David Luiz ayaa xafladaan waxaa kala soo qeyb galay labada ciyaartoy ee kooxda Tottenham ee kala ah Heurelho Gomes iyo Paulinho iyo weliba sidoo kale kuwa Chelsea ee dhalasho ahaan wadagaan sida Ramires, Willian iyo Oscar iyagoo saaxiibkood u rajeeyay sanad guuro wacan.