Xidhiidhka Ingiriiska Oo Sannadka Cusub Hirgelinaya Muuqaal Caawiyaha Garsoorka

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa sannadka cusub si tijaabo ah u bilaabi doona hannaanka muuqaalka caawiya garsoorka, kaas oo lagu tijaabin doono ciyaar dhex mari doonta labada kooxood ee Brighton iyo Crystal Palace.

Labadan kooxood oo bilowga January ciyaari doona kulan ka tirsan FA Cup wareegga saddexaad ayaa xidhiidhku shaaciyey inay ku tijaabin doonaan hannaankan cusub si uu garsooreyaasha ugu sahlo go’aan qaadashada saxda ah.

FA ayaa bishii March ee sannadkan dhamaadka sheegay in hannaankan muuqaalka caawiya garsoorka oo loo yaqaan VAR, ayy si rijjaabo ah ugu bilaabi doonaan ciyaaraha FA Cup.

Kulanka FA Cup ee dhexmari doona Tottenham iyo AFC Wimbledon ayaa sidoo kale la tibaaxay inay suurtogal tahay in lagu isticmaalo.


 


Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com