Yaab: Ronaldo oo tababarka kooxda Real isaga tegay kadib xanuun uu dareemay

 Sida muuqata Cristiano Ronaldo wuxuu weli la daalaa dhacayaa xanuun dhanka Jilibka ah, kadib markii uu isaga baxay tababarka kooxdu  ugu diyaar garoobayeen kulanka adag ee  Borussia Dortmund ay la ciyaari doonaan.

Kooxda Real Madrid oo duhurki kadib gaadhay  dalka  Germany, wax yar kadib waxey aadeen garoonka si tababar ay u sameeyaan laakiin Cristiano waa ka baxay  daqiiqado yar kadib isagoo xanuun dareemay.

Waxaa shaki weyn ku jiraa ka qeyb galkiisa kulanka habeen dambe, iyadoo tababare Carlo Ancelotti uu sheegay inuusan ku deg degi doonin ciyaarsiintiisa.