Yaab! Sababtii Ka Dambaysay Dagaalkii Warbaahinta Ee Mourinho Iyo Conte Oo La Ogaaday

Labada macallin ee kala wata kooxaha Manchester United iyo Chelsea ee Jose Mourinho iyo Antonio Conte ayaa la ogaaday inay ahayd arrin la xidhiidha mustaqbalkooda.

Warbaahinta Sky Sports Italia ayaa shaacisay in labadan macallin oo khibrad badan leh, guulo badanna ku gaadhay dalal kala duwan ay isku haystaan xilka tababarenimada kooxda PSG, taas oo ka fiirsanaysa kala doorashada labadan macallin marka uu dhamaado xili ciaareedkan.

Tababare Manchester United oo isku arka inuu yahay macallinka ugu khibradda badan wakhtigan, guulahana aanay cidi soo hawaysan karin, ayaa doonaya inuu noqdo qofka kaliya ee beddelaya Unai Emery oo la filayo in dhamaadka xili ciyaareedka uu ka tago PSG, laakiin maamulka kooxda Faransiiska ayaan ku koobnayn Mourinho oo kaliya, waxaase ay isha la raacayaan Conte oo ay eegayaan meelaha uu kaga wanaagsan yahay Mourinho.

Arrintan ayaa abuurtay in labada macallin oo kala jiidanaya shaqadaas ay warbaahinta weerar isku mariyaan, iyagoo aan shaacinayn ujeeddada dagaalkooda.