Waxa jira wakhtiyo kala duwan oo meertada nolosha bini’aadamku soo marto, waana shay xaqiiqo ah in qofku wakhtiyda qaar ahaa, Faqiir halka uu sidoo kale si dhakhso ah u noqdo Taajir. Hadaba waxaa jira dad badan oo dunida caan ka ah, kuwaas oo nolol adag soo qaatay balse hada haysta hanta badan. Hadaba qoraalkeenan ayaanu kusoo qaadan doonaa 10 ciyaar yahan oo taariikhda noloshooda kusoo qaatay maalmo adag balse hada caan ka ah dunnida, haystana hanta badan. Sida liiskan hoose ka muuqda waxa ay hada ka yihiin caan yihiin kubada cagta iyo caalamkaba, balse waxay soo qaateen nolol adag.

 

  1. Cristiano Ronaldo# wuxuu kusoo bar baaray nolol faqiirnimo ah laakiin hada wuxuu ka taajirsanyahay madaxweynayaal dunida caan ka ah.
  2. Luis Suarez# markuu yaraa wuxuu kusoo koray Nolol Cidhiidhiya hadana waa nin isku filan, waxaanu haystaa hanta badan.
  3. Zlatan Ibrahimovic# wuxuu soo maray waayo adag, waxaanay waalidiintiisu is fureen isagoo 2 sano jiray,  Balse xilligan wuu kasoo kabtay jeeb ahaan iyo magac ahaanba.
  4. Neymar Jr.# Yaraantiisa wuxuu kusoo koray nolol faqiirnimo ah lakiin hada wuxuu kabsaday lacag badan, wuxuuna heystaa hanti ku filan.
  5. Angel Di Maria# xidigan reer Argentina ayaa liiskan ku jira, inkastoo hada uu taajir yahay hadana weli muuqaalkiisa waxaa laga dheehan karaa inuu yahay nin Duruuf kusoo koray.
  6. Alexis Sanchez# Xidiga Arsenal ka ciyaara una dhashay Chile, wuxuu kusoo barbaaray nolol liidata waxaana la xusaa inuu Baabuurta maydhi jiray markii uu yaraa laakiin hada isagaaba loo shaqeeyaa.
  7. Yaya Toure# caruurnimadiisa wuxuu soo maray waayo adag Balse hada cagihiisa ayuu ku shaqeystay hanti ku filana waa uu haystaa isaga iyo qoyskiisuba.
  8. Dante# markii uu yaraa wuxuu ka guran jiray qashinka suuqyada laakiin hada waxa uu sameeyey lacag badan waxaanu ku taajiray cagihiisa.
  9. Samuel Eto’o# hada waa xidiga ugu taajirsan ciyaartoyda Qaaradan Afrika Balse yaraantiisa wuxuu soo maray nolol adag oo rafaad badnayd.
  10. Robinho# wuxuu kusoo bar baaray nolol faqiirnimo ah markii uu yaraana wuxuu isagoo dacas la,aana ku ciyaari jiray wadooyinka Dalka Brazil laakiin hada waa mid kamida ciyaaryahanada ugu Hantida badan xirfadleyda kubadda cagta adduunka.