11:29 pm - Thursday July 27, 2017

Arsenal iyo Man United Oo Loo Sheegay Inay Iska Iloobaan Payet

Abdiwahab Ahmed

Tababaraha kooxda kubadda cagta West Ham ee Slaven Bilic ayaa u sheegay kooxaha sida weyn ugu loollamaya Dimitri Payet ee Manchester United iyo Arsenal inay iska illoobaan ciyaartoygan.

Laacibka khadka dhexe ee reer France ayaa lala xidhiidhiyey kooxo badan, gaar ahaan Arsenal, taas oo isaguna uu tibaaxay in uu xiisaynayo inuu u ciyaaro, hase yeeshee, tababare Bilic ayaa uga digay kooxahan inay isku dayaan in bisha January ay ciyaartoygan iibsadaan.

“Ma doonayno in aanu iibino, waa ciyaartoygayaga ugu wanaagsan” sidaas ayuu ku yidhi shir jaraa’id oo toddobaadle ah oo Bilic uu qabto.

Waxa uu tibaaxay in uu Payet kula jiro West Ham heshiis wakhti dheer ah oo uu damaanad qaaday inuu ku dhamaysan doono kooxda, laakiin dhibaatadu ay tahay, in ciyaaryahannada wanaagsan marka uu suuqu furmo ay kooxo waaweyni soo weeraraan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kooxdii Diyaaraddu La Qaraxday Oo La Guddoonsiiyey Koobka Copa Sudamericana

Farqiga Mushaharka Tababareyaasha Kooxaha Ingiriiska

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: