3:03 pm - Monday August 23, 5052

Atletico Madrid Oo La Qabtay Iyo Hirdankii Kaalinta Koowaad Oo Dib u Curtay

Aidarous

Kooxda Levente ayaa guuldaro xun baday, naadiga horyaalka La Ligaha Hogaanka u haysa ee Atletico Madrid oo ay kaga badisay 2-0 caawa.

Naadiga Finel-ka Champions Leageu taagan ee Atletico ayay guuldaradan soo gaadhay ka dhigaysaa mid ku negaatay kaalinteedii iyo dhibcihii hore ay ugu haysay horyaalka oo ahaa 88 dhibcood, taas oo fursad weyn u ah , kooxda ay isku magaalada Yihiin ee Real Madrid oo caawa la ciyaaraysa Valencia.

Barcelona oo qabashadan Atletico fursad qaali ah u ahayd , ayaa xallay dhaafi kari weyday naadiga Getafe oo barbar dhac 2-2 ah isku hortaagtay, laakiin Real Madrid ayaa oo taageerayaasheedu ka rajaynayaan guul ay Valencia ku marto ayaa haddii ay sidaas u dhacdo iyadoo ciyaari u hadhsan tahay la dhibco noqonaysa Barcelona , haddii kulankaas baaqiga ah ay badinaysona kursiga hogaanka toos ugula fadhiisanaysa Atletico.

Atletico Madrid ayaa imika leh 88 dhibcood 36 ciyaarood oo ay ciyaartay, Barcelona ayaa iyaduna 36 kaas kulan oo kale safatay dhibcaha 85 leh, halka Real oo 34 ciyaartay ay leedahay 82 dhibcood.

Horyaalada sanadkan ee Ingiriiska iyo Spain ayaa ah kuwa ugu adag ee la isku maran yahay , walina aanay cadayn cida qaadanaysa , iyadoo ay dhiman yihiin laba laba ciyaarood oo kali ahi.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Juve Oo Qaaday Horyaalka Talyaaniga Kadib Guuldaradii Naxdinta Lahayd Ee Roma Qabsatay

Ac Milan Oo Karbaashtay Inter Kulankii Darbiga Talyaaniga

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: