6:47 pm - Monday August 21, 2017

Banzema Oo u Quus Gooyey Guardiola Iyo Dhacdooyinkii Xiisaha Lahaa ee Ciyaarta Madrid & Munich

Aidarous

Kooxda boqortooyada Spanish-ka ee Real Madrid ayaa guul muhiim ah ku gaadhay gurigeeda Santiago Benabeu oo ay caawa ku marti gallisay kooxda Bayern Munich kulan Semi Finel ka horyaalka Yurub ee Champions League Ah.

Kooxda haysata horyaalka Champions League ee Munich ayaa ku simbiririxatay Madrid kadib markii gool uu ka dhaliyey Kareem Banzema ay sina u awoodi wayday inay iska soo baddo.

Weeraryahanka reer France ayaa shabaqa ku hubsaday kubad uu ka soo shaqeeyey Fabio Coentrao daqiiqadii 19 aad ee ciyaarta, goolkaas oo ka dhigay Laba guuldarooyinka ka soo gaadhay kooxda Pep Guardiola intii tartanka sanadkan ee Champions League Socday.

Bayern Munich oo kubadu inta badan lugteeda ku jirtay ayaanay hadana u suurto gallin inay abuuraan fursado la mid ah kuwa ay samaysay Madrid oo difaac u badnayd, waxaana fursado goolal noqon karayay ka khasaariyey Real, xidiga aduunka ee Cristiano Ronaldo iyo Angel di Maria.

Isku soo xooriyoo , Real Madrid guushan 1-0 ka ah ee ay ku gaadhay Gurigeedu, wuxuu culayska ku sii kordhinayaa Bayern Munich oo Habeenka Khamiistu soo gallayso todobaadka dambe, gurigeeda Aliez Arena ballantu tahay inay 2-0 ku badiyaan si ay Finel ka isaga xaadiriyaan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mourinho Oo Xaqiijiyey Maqnaanshaha Cech & Terry Ee Ciyaarta Liverpool

FA Oo Ganaaxday Mourinho, Ramires Iyo Rui Faria

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: