Barcelona Oo Dagaal U Gelaysa In Ay Hesho Pogba ama Isco

Sida maanta qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Spain, gaar ahaan kuwa gobolka Catalonia ee ay ka dhisan kooxda Barcelona, waxa ay naadigaasi u dhaqaaqeen in ay dedaal u galaan sidii ay u heli lahaayeen mid ka mid ah labada ciyaartoy ee Pogba iyo Isco, marka uu ka dhamaado wakhtiga xayiraadda ah ee laga saaray in ay ciyaartooyo iibsato.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa maanta daabacay in Barcelona ay ku jirto diyaar garow dhaqaale iyo xod-xodasho oo ay dooneyso in ay ku soo xero geliso Pogba marka uu dhamaado sannadkan hadda bilowga ah oo aanay awoodi Karin in ay ciyaartooyo iibsato kadib markii ay FIFA ka mamnuucday in ay wax ciyaartooyo ah soo iibsan karto muddo sannad ah oo ku dhamaan doonta dhamaadka sannadkan.

Wargeysku waxa uu sheegay in bartilmaameedka koowaad ee Barca uu yahay laacibka Juventus ee Paul Pogba, haddiise ay suurtogeli weydo in ay u dhaqaaqi doonaan Isco oo ka tirsan Real Madrid, heliddiisuna ay ku adkaan doonto.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Odegaard Oo Lagu Daray Ciyaartooyada Real Ee Champions League ciyaari Doona

Dalka Qatar Oo Doonaya In Guardiola U Hoggaamiyo Koobka Adduunka 2022

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com