3:03 pm - Sunday August 23, 9654

Bayern Munich Oo Man City Uga Hadhay Alexis Sanchez

Abdiwahab Ahmed

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa waajahday caqabad hor leh oo la xidhiidha damaceeda weeraryahanka Arsenal ee Alexis Sanchez.

Kooxda haysata horyaalka Bundesliga ee Munich, ayaa la sheegay inay danaynayso inay ka gaabsato Sanchez, kaddib markii kooxda Manchester City ay u ballan-qaadday mushahar badan oo ay siin doonto.

Sanchez oo la sheegay inuu doonayo inuu ka tago Arsenal, ayaa waxa uu ku wargaliyey Munich inuu doonayo in sannadkii mushahar loo siiyo £21.85million, taas oo Bayern Munich ay u aragto in aanay macquul ahayn.

Manchester City ayaa la aaminsan yahay inay tahay kooxda koowaad ee ciyaartoygan ula diyaarka ah mushaharka uu doonayo, sida xogaha ugu dambeeya ee suuqu tibaaxayaana £420,000 ayay toddobaadkii doonaysaa inay xisaabtiisa ku shubto.

Arsenal ayaa haddii uu ciyaartoygu ku khasbo inay iibiso, waxay dalabn doontaa £50milyan.

Manchester City ayaa sannadihii u dambeeyey macmiil u ahayd Arsenal, waxaanay ka qaadatay ciyaaryahannada Samir Nasri, Emmanuel Adebayor, Gael Clichy, Kolo Toure iyo Bacary Sagna.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Isbeddel Lagu Samaynayo Wakhtiga Ciyaaruhu Soconayaan – U Diyaar Garow 30 Daqiiqo Oo Kaliya

‘Waanu Kuu Baahanahay’ Zidane Oo U Baroortay Ronaldo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: