Carabka Xayeysiin Doona Ciyaarta Juventus vs Tottenham Iyo Cadalool Oo Toos U Baahin Doonta

Shabakadda ciyaaraha Cadalool, waxay sidii looga bartay toos u baahin doontaa ciyaaraha Champions League ee caawa, kuwaas oo aanu kusoo tebin doono dhawr luuqadood.

Ciyaarta garoonka Turin ee magaalada Turin ee waddanka waddanka Talyaaniga ku dhex mari doonta kooxaha Juventus iyo Tottenham, waxay shabakadda Cadalool baahinteeda hordhaca ah soo gelin doontaa laba saacadood ka hor, si daawadeyaashu uga sii bogtaan wararka la xidhiidha ciyaarta, taariikhahooda iyo kulamadii u dambeeyey ee ay ciyaareen, taas oo ay dheer tahay halka ay kaga jiraan horyaalladooda iyo laacibiinta dhaawacyada iyo ganaaxa kaga maqan.

Juventus oo inta badan ciyaartoygoodu ay dhaawac yihiin gaar ahaan Dybala oo ah xiddiga ugu muhiimsan kooxda, waxa sariirta ku wehelinaya Cuadrado oo shaqo badan ka qaban jiray baasha weerarka.

Tottenham uma dhaawac badna sida Juventus, hase yeeshee waxa ka maqan Anderweireld oo ah maqanaha ugu muhiimsan ee ay tebi doonaan.

Luuqadaha aanu kusii deyn doono:

Laba luuqadood ayaanu ku tebin doonaa ciyaarta, kuwaas oo ay xayeysiintooda iyo baahintooduba ka iman doonaan telefishanada Aljazeera iyo kuwo kale.

Yaa xayeysiin doona ciyaarta luuqadda Carabiga:

Laba Carab ayaa ku qoran ciyaartan oo telefishanka Aljazeera u asteeyey, kuwaas oo aanu kasoo tebin doono.  Xafiid Daraji iyo Xasay Caydaruus  ayaa luuqadda Carabiga ku tebin doona ciyaartan.

Ha moogaan inaad si toos ah uga daawato shabakadda cadalool dhamaan ciyaaraha kala duwan sida Kubadda cagta, NBA-da Maraykanka, Feedhka, Baseball-ka iyo wixii kale ee dunida laga xiisaynayo.