Chelsea Oo £75million Ku Iibsanaysa Gareth Bale

Bale - Chelsea

Gareth Bale ayaa u sheegay saaxiibbadiisa xulka qaranka Wales in uu doonayo in uu sii joogo Real Madrid ugu yaraan hal sanno oo kale, hase yeeshee Chelsea ayaa u dhaqaaqday in ay u bandhigto kooxdiisa Real Madrid in lagaga iibiyo xiddigan lacag dhan £75million.

Sida uu qoray wargeyska Dailymail maanta oo Axad ah, waxa ay kooxdan hoggaanka u haysa horyaalka Premier League ay miiska saartay lacag dhan £75million, taas oo la sheegay in Real Madrid ay ogolaan doonto si ay lacagtaasna isugu daydo in ay ku iibsato ciyaartooyo kale oo kooxda firfircooni geliya.

Manchester United ayaa iyaduna aad u doonaysa in ay hesho Bale iyo Ronaldo, waxaana sida ay qoreen saxaafadda taageerta kooxda Red Devils, labadan ciyaartoy ayuu taageere u yahay Louis van Gaal. Waxa kale oo ay doonaysaa Manchester United ciyaartooyada Mats Hummels, Paul Pogba iyo Dani Alves.

Haddii ay Manchester u leexato dhinaca Cristiano Ronaldo oo ay ka hadho Gareth Bale, waxa uu dagaalku u dhaxayn doonaa Chelsea iyo Manchester United oo labaduba doonaya Bale, iyadoo la saadaalinayo in gacanta sare ay yeelan doonto Chelsea oo marka la eego sharciga FFP ee maamul wanaagga iyo illaalinta dheelli-tirnaanta dakhliga uu ka xarrimayo City in ay lacag badan suuqa geliso maadaama ay xiddigo badan oo lacag badan kaga baxday ay iibsatay.

Arsenal ayaa waxa ay iyaduna dooneysaa in ay heshiis la gasho laacibka heerka qaran ee reer Germany ee Marco Reus, hase yeeshee waxa ay dagaal kala kulmi doontaa Real Madrid oo la filayo in marka uu Bale ka tago ay u dhaqaaqdo Reus.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Argentina oo Bilaa Messi Ku Garaacday El Salvador

Wenger Oo Lacag Badan Ku Bixinaya Xiddiga Reer Kenya Ee Wanyama & Mitrovic

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com