Ciyaartoy Reer Arsenal Ah Oo Cabsi Uu Ka Qabo Drogba Hurdada Ledi Waayi Jiray, Dhidid Qoyi Jiray, Habeenkiina Seleli Jiray

Didier Drogba waxa uu ahaa halyey ay adag tahay inay difaacyahannadu xakameeyaan, waxaana uu ku jiidhi jiray awood iyo farsamo wada socda, taasina waxay qaarkood ku keeni jirtay in toddoibaad ay hurdadu u goyso cabsida ay ka qabaan darteed.

Didier Drogba way adkayd in uu garoonka ka baxo isaga oo aan goolal ka dhalinin Arsenal oo ka mid ahayd kooxaha uu dhibaatada ugu badan u geystay inuu ku sugnaa garoonka Stamford Bridge, gaar ahaan waxa la xasuusan yahay kulamada ka dhaca garoonka Wembley oo ahayd halka uu dhibaatada ugu badan ugu geysto kooxaha, taas oo uu ku kasbaday in loo bixiyo naanays ah Mr. Wembley.

Difaacii hore ee Arsenal, William Gallas ayaa sheegay in laacib ay difaaca uga wada ciyaari jireen Gunners uu sii khalkhali jiray toddobaad ka hor marka ay Chelsea la ciyaarayaan, sababuna ahayd inuu ka baqan jiray Didier Drogba.

Gallas waxa uu sheegay in sannadihii u dhexeeyey 2004 illaa 2012 uu dhibaato badan ku ahaa Drogba marka laga reebo muddo ay isku koox ahaayeen, hase yeeshee, waxa uu bannaanka soo dhigay fulaynimada laacibkii ay Arsenal u wada ciyaari jireen ee Philippe Sendersos, kaas oo muddo toddobaad ah ay xattaa hurdadu ku adkaan jirtay.

“Waan garanayaa Philippe Senderos, ciyaarta ka hor, in badan ayuu hadli jiray, waxaanad arki karaysay isagoo dhididsan oo xaaladdiisu xun tahay, gaaar ahaaan marka uu ciyaartooyada qaarkood ka hor imanayo. Marka aanu Chelsea la ciyaarayno ee Didier Dorgba ku jiro, argagax dhab ah ayaa ka muuqanayey, wuxuu u muuqan jiray sidii uu ciyaarta hadda  u baxayo iyadoo maalmo ka  hadhsan yihiin.” Sidaas ayuu yidhi William Gallas oo u warramay RMC.

Gallas oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi: “Nasiib-darro, marka ay ciyaartu bilaabanto, waxa uu lumin jiray awooddii uu ku ciyaarayey, si fiican uma ciyaari karaynin, laakiin marka kooxdiisa (saaxiibadiisa Arsenal ee tababarka) si fiican ayuu u ciyaari jiray”

William Gallas iyo Sanderos ayaa muddo ka wada ciyaari jiray difaaca ka hor intii aanu Senderos tegin AC Milan.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.