Wasaaradda Ciyaaraha Oo Maalinta Berrito Ku Dhawaaqi Doonta Xilliga Uu Qabsoomi Doono Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland

 

Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa Maalinta Berrita ah si rasmiya ugu dhawaaqi doonta xilliga uu qabsoomi doono tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland, kaas oo wajigii koowaad ee isreeb-reebka kubadda cagta la qabtay sannadkii hore.

Wajigii hore ee isreeb-reebka kubadda cagta oo sannadkii hore lagu qabtay magaalooyinka Borama iyo Burco ayaa waxaa u soo gudbay tartanka rasmiga kubadda cagta 8-gobol, kuwaas oo tartankan ku ciyaari doona Hargeisa Stadium.

Tartankan Berrito lagu dhawaaqi doona oo ku kala baxaya ciyaaraha kubadda cagta, kubadda koleyga iyo ciyaaraha fudud (Orodka), ayaa ka xiiso badnaan doonaa tartamadii hore ee la qabtay, maadaama tartanka kubadda cagta lagu ciyaari doona garoonka Hargeisa Stadium oo Doogga Sanaaciga ah lagu goglay, halka sidoo kale garoonka Tima-cadde isna lagu sameeyay dayac-tir balaadhan sidoo kalena Riimanka (Goolasha) quraaradda ah ee caalamka lagu xidhi doono.

Isku soo wadda duubo, tartankan oo wasaaradda ciyaaraha lagu dhaliilayey qabsoomidiisa ayaa la filayaa sida aanu ku helay ilo xogogaal ah, in uu qabsoomo dhammaadka bisha soo socota ee October, laakiin waxa aynu ka war-sugi doonaa dhawaaqa berrito ee wasaaradda iyo waxyaabaha kale ee ay ku daraan qabsoomidda tartanka.

 

 

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sababtii Rasmiga ahayd ee ay u baaqatay Ciyaartii Man City Iyo Borussia Monchengladbach

Alexis Sanchez Oo Soo Xushay Kooxdiisii Riyadda -(Cristiano Ronaldo & Hal Laacib Arsenal Ah Oo Aan Ku Jirin)

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com