2:46 pm - Saturday May 27, 2017

Degdeg: Manchester United Oo Heshiis la gashay Griezmann

Abdiwahab Ahmed

Kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Manchester United ayaa heshiis shakhsi ah la gashay weeraryahanka xulka qaranka France iyo Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Sida uu qoray wargeyska SunSport, madaxda Manchester United ayaa xidhiidh la sameeyey weeraryahanka Atletico Madrid toddobaadkan, waxaanay kulan la yeesheen wakiilkiisa oo ay isla qaadaa dhigeen sidii uu xiddigan Faransiiska ahi ugu wareegi lahaa Manchester.

Manchester ayaa 25 jirkan u ballan-qaadday inay siin doonto toddobaadkii lacag dhan £220,000, taas oo la mid ah lacagta uu wakhtigan gunnada u qaato Paul Pogba.

Manchester United ayaa bartil-maameedkeeda koowaad ka dhigatay Griezman, kaas oo ay doonayso inay ku xoojiso kooxdeeda.

United ayaa uu wargeysku caddeeyey in heshiis shakhsi ah ay la gashay Griezmann, laakiin ay u hadhsan tahay Atletico Madrid oo dalbatay in loo shubo £86 milyan.

Grizmann ayaa sida ay Manchester isla waafaqeen, waxa kale oo uu qaadan doonaa lacag dhan £5 milyan oo abaal-marin ah, haddii uu garanka Manchester xidhnaado muddo shan sannadood ah.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Lacagtii Kooxaha Shiinaha Oo Soo Gaadhay Afrika

Chelsea: Laba Ciyaartoy Oo Kaliya Ayaa Ka Jooga Kooxdii Ku Guuleystay Champions League 2012

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com