3:08 am - Sunday June 25, 2017

Diego Simeone Oo La Ganaaxay & Real iyo Atletico Oo Iyana Ciqaab Mutaystay

Aidarous

Tababaraha kooxda Atletico Madrid, Diego Simeone ayaa ganaax lagu soo rogay kadib markii xidhiidhka kubada cagta ee qaarada Yurub (EUFA) ay ku eedeeyeen  ‘Dhaqan Leexsan’ oo uu ku kacay ciyaartii gunaanadka ee horyaalka Naadiyada Yurub ee Sabtidii.kooxdiisa guuldaradu ka soo gaadhay Real Madrid.

Khabiirkan reer Argentina ayaa laba jeer garoonka ciyaartu ka socotay soo cadho gallay oo xaalad dagaal meesha ka abuuray, Laakiin gar-soorihii ciyaarta ee Bjorn Kuipers, ayaa kaadh-ka cas kaga saaray garoonka tababare Simeone.

Xidiga khadka dhexe ee naadiga Real, Xabi Alonso, oo isaga laftiisa habeenkaas kaadhka cas la siiyey, ayaa ku jira dadka UEFA falkan u ganaaxday, kadib hab dhaqankii uu garoonka isku soo dhex tuuray markii uu dhacay siidhigii dhamaadka kulanku , isaga oo dabaal degaya.

Simeone ayaa dagaal la gallay difaaca kooxda Real, Raphael Varane, oo kubad six un ugu laagay dhinaca tababaraha Atletico , markii uu Rolando dhaliyey  rigoodhihii goolka Afraad ee Real ku yimid.

Uefa waxay sidoo kale ku ganaaxday labada kooxood ee Real iyo Atletico, Ugu yaraan 5 ciyaaryahan oo labada kooxoodba kaadhka Huruuda ah ( Digniinta ah) la siiyey, waxa sidoo kale labada kooxoodba lagu ciqaabi doonaa , shididii ay taageerayaashoodu ku dhex shideen Nalka ama dabka dabaal dega ( Fireworks) garoonka dhexdiisa.

Xaaladahaas oo dhan ayaa la dacwadooda la dhagaysan doonaa 17 ka bisha July , halka Simeone iyo Alonso ay mutaysan doonaan in laga mamnuuco tartanka xili ciyaareedka dambe.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Yaya Toure: Sharaf bay ii ahaan lahayd haddaan ku biiri lahaa PSG

Van Persie: Spain Waa Xulka Ugu Awooda Badan Caalamka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: