Gareth Bale Oo Dalbaday Kulan Uu La Yeesho Madaxda Real Madrid Iyo Shaki Muujinaya Inuu Qaatay Go’aankii Ronaldo Oo Kale

 

Saacado kooban kaddib markii ay Real Madrid iyo Juventus ku dhowaaqeen in Cristiano Ronaldo uu afar sannadood oo heshiis ah u saxeexay kooxda reer Turin oo uu ugu wareegay lacag dhan 105 milyan Euro, waxa isaguna miiska is keenay xiddiga reer Wales ee Gareth Bale.

Xiddiga reer Wales ayaa dhowaan sheegay inuu ku dhowaaqi doono go’aan khuseeya mustaqbalkiisa kaddib markii uu xili ciyaareedkii hore inta badan ku dhamaystay kursiga kaydka oo uu tababarihii hore ee Zinedine Zidane ka door biday ciyaartooyada da’da yar sida Isco, Vasquez iyo Asensio, hase yeeshee qandaraaska uu kula jiro Los Blancos oo muddo dheer soconaya ayaa waxay u muuqdeen kuwo albaabada ka xidhaya bixitaankiisa.

Laacibkan hore ee Tottenham ayaa la sheegay inuu dalbaday kulan uu la yeesho tababaraha cusub iyo madaxda Real Madrid si ay uga wada hadlaan mustaqbalkiisa iyo doorka uu ku yeelanayo kooxda haddiiba uu sii joogayo.

Sida uu sheegay wakiilka Gareth Bale oo lagu magacaabo Jonathan Barrett, waxa la qorsheeyey wakhtiga ay dhacayaan wada-hadallada madaxda Real Madrid iyo ciyaartoygu, halkaas oo uu kasoo bixi doono go’aan uu ku negaan doono amaba ku qaadi doono dariiqii Cristiano Ronaldo.

Bale oo 28 jir ah oo uu wehelinayo wakiilkiisu ayaa maalmaha soo socda la kulmi doona tababaraha cusub ee Real Madrid Lopetegui, waxaanay ka dalban doonaan inuu damaanad qaado boos joogto ah oo aan gorgortan gelin, haddii uu taas samayn waayana uu markaas ku dhowaaqi doono inuu ka tegayo Bernabeu.

Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa si aad ah loola xidhiidhinayaa inuu la dhacsan yahay Bale oo uu doonayo inuu keeno Old Trafford, hase yeeshee waxay taasi ku xidhnaan doontaa sida uu noqdo wada-hadallada madaxda Real Madrid iyo Bale.