Graziano Pelle Oo Laga Eryey Xulka Talyaaniga Iyo Sababta

pelle

Weeraryahanka Graziano Pelle ayaa laga eryey xulka qaranka Talyaaniga ee ka qayb-gelaya ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka, kuwaas oo Axadda waajihi doona Macedonia.
Pelle ayaa erigiisa lagu sababeeyey in uu diiday in uu tababarihiisa gacan qaado markii la beddelay ciyaartii waddanka Spain dhex martay Khamiistii ee kudhamaatay barbar dhac 1-1.
Weeraryahankan hore ugu ciyaari jiray Kooxda Southampton, wakhtigana ka tirsan kooxda Shandong Luneng ee waddanka China, ayaa sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ee loo yaqaano FIGC, waxa uu ixtiraam darro kula kacay tababariiisa Giampero Ventura oo ii iska garab maray iyadoo uu gacanta usoo fidinayo markii uusoo beddelay.
War-saxaafadeedka xidhiidhku soo saaray, waxa uu u dhignaa sidan: “In laga mid noqdo xulk qaranku waxay ka bilaabantaa in ixtiraam iyo xushmad loo muujiyo shaqaalaha, ciyaartoyga iyo taageereyaasha. Tababaraha iyo xidhiidhku waxay si wada jir ah u go’aansadeen in xulka laga saaro Graziano Pelle oo ku kacay hab-dhaqan ixtiraam darro ah. Ciyaartoygu waa inay wadaagaan qiimaha oo ay muujiyaan ixtiraam iyagoo ilaalinaya funaanadda qaranka Azzurra.”
tababare-ventura

Pelle oo 31 jir ah, ayaa xagaagii ka tegay Southampton, waxaanu ku biiray Shandong Lunen goo ka dhisan waddanka China, waxaana tababare Ventura oo isna ka hadlay hab-dhaqanka aan ciyaartoyga looga baran ee uu ku kacay uu tibaaxay in uu dareemi karayo cadhada Pelle, balse mara la xidhan yahay funaanadda qaranka aan loo baahnayn in arrimaha noocaas ah ay ciyaartoygu sameeyaan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Chelsea iyo Man City Oo Ku Biiray Dagaalka Real Madrid Ee Oubameyang

“Jadwalka Ciyaaraha Gobollada Waa La Ogyahay” – Guddoomiyihii Hore Ee Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com