Inter Milan oo u dabaal degtay sanad guuradii 107-aad ee Naadiga

Inter Milan oo ah mid kamid ah naadiyada wadanka Talyaaniga iyo xaqiiqdii qaarada Yurub ugu guulaha badan, ayaa u dabaal degtay sanad guuradii 107 aad ee ka soo wareegtay maalintii kooxda la aas-aasay, iyagoo xafladayntan ku soo bandhigay muuqaal Video goos-goos ah oo lagu soo ururiyey wakhtiyadii ugu xiisaha badnaa intii kooxdu jirtay.

Gobolo gaagaaban oo goolashii kooxda ah, koobabkii ay qaadeen iyo sawiro la isu keen keenay oo laga soo dhex ururiyey dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee garoonka San Siro ayaa la isugu keenay muuqaal fiidiyoo soconaya daqiiqad iyo 35 ilbidhiqsi, kaas oo lagu baahiyey bogga khaaska ah ee kooxdu ku leedahay shabakada bulshadu ku kulanto ee Facebook.

Kooxda Inter ayaa urursatay bilado ka kooban: 18 Serie A titles, Todoba Italian Cup ah saddex koob oo horyaalada Yurub ah mudaddii ay jirtay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Video: Daawo 10ka Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Badan Dunida Kubadda Cagta

War culus: Ancelotti Oo Iska Casilaya Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com