ISRAEL vs ITALY: Akhriso Shaxda & Safafka Ay Caawa La Soo Shirtegi Karaan

Waxaa caawa magaaladda Xeeyfa oo ka tirsan dhulka ay Yuhuuddu haysato ka bilaabmi doona ololaha Talyaaniga ee KA2018 lagu qaban doono waddanka Ruushka.

Tababare Giampero Ventura ayaa weli ku sii socon doona shaxda 3-5-2 isaga oo sii wadi doona inuu weerarka iskula lamaaniyo Eder-Pellè, dhanka difaaca ayaa waxaa soo laaban doona afarreyda Juventus.

Xulka Italy waxaa khadka dhexe maareeyaha guud u noqon doona Verratti oo kubadda geesaha u kala firdhin doona, isaga oo taageeranaya Bonaventure iyo Parolo.
Shaxaha laga yaabo:

ISRAEL (4-5-1): Goresh; Ben Biton, Tibi, Tsedek, Davidzada; Atzili, Golasa, Nir Biton, Kayal, Ben Haim; Zahavi.

Macallin: Levy.

ITALY (3-5-2): Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Candreva, Bonaventura, Verratti, Parolo, Antonelli; Eder, Pellè.

Macallin: Ventura.

Garsoore: Sergei Korasev (Russia).