Jose Mourinho: Conte “Manchester United Wuu Bahdilay”

Tabobaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte, aya ku adkaystay inaanu jirin cid uu ka maadsaday ka dib ciyaartii ay kooxdiisu 4-0 ugu awood sheegatay kooxda Manchester United ee ka dhacday geggida Stambford Bride, dad-kuna u qaatay debaal deggiisii inuu ku maadsanayey Mourinho.

Conte ayaa taageerayaasha kooxdiisa ee garoonka fadhiyay gabagabadii ciyaarta ku dhiirriyey inay aad ugu qayliyaan kooxdii ka soo horjeeday, wararka qaarna waxaabay sheegeen in Mourinho markii siidhigii ciyaarta lagu soo xidhayay lagu dhuftay uu ninkan Talyaaniga ah ee Chelsea tabobara ku yidhi waxaad samaynaysaa waxay “bahdilaad ku tahay Manchester United”.

Laakiin Conte aya isna yidhi “aniguba ciyaartoy baan ahaan jiray oo waan aqaan sida dhaqanku yahay. Cid kasta waan ixtiraamaa xataa Manchester United”.

Goolashii ay dhaliyeen Pedro, Gary Cahil, Eden Hazard iyo N’Golo Kante ayaa Mourinho oo sannadkii hore kooxda Chalsea shaqada ka eriday markii ugu horraysay ee ay iska horyimaadaan ku noqday niyad jab aan laga soo waaqsan karin.

Mourinho ayaa raali galiyey taageerayaasha Man United waxaanu yidhi “Maadaama aan ahay hogaamiyihii kooxda waa gar in aan raali gelin bixiyaa, waxa keliya ee aan odhanayaana waxa weeyi in aan 100% aaminsanahay Man United ee aaney daacadnimadaydu ahayn 99% Man United ah iyo 1% aan u qabo Chelsea. Aad bay ii taabatay dhacdadani laakiin jawaabta keliya ee aan hayaa waxa weeyi tabobar aanu bilowno Isniintaba iyo in aanu wax iska celino”.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
prev-next.jpg

Liiska Gaaban Ee Ciyaaryahannada Ku Tartamaya Xiddiga Adduunka Oo La Shaaciyey

Moussa-Sissoko-

Sissoko Oo Ganaax Saddex Ciyaarood Ah La Marinayo Kadib Ogolaanshihii Tottenham Ee Dacwada

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com