7:31 pm - Friday August 18, 2017

Kooxda Man.United Oo qalqaalo ugu jirta Iibitaanka Fellaini

Khadar Dirir

Manchester United ayaa diyaar u ah inay iska iibiso xiddiga ku fashilmay nolosha garoonka Old Trafford ee Marouane Fellaini madaama kooxdan uu xilli ciyaareedka dambe la wareegi doono macallin Louis van Gaal oo suuqa ka doonaya inuu ka soo iibsado ciyaartooy wax ku ool ah sidaasna daaqada kaga bixi doono xiddigan reer Belgian sida laga soo xigtay The Times.

Macallinkii hore ee kooxdan laga diray David Moyes ayaa qiimo xoogan oo gaadhaya £27.5m kaga soo iibsaday ciyaaryhankan jooga dheer kooxdiisii hore ee Everton, isagoo wixii markaas ka dambeeyay 26-jir u adeegsaday boos aanu aqoon u lahayn maadaama markiisii hore Everton u ciyaari jiray booska kubadd bur-burinta khad dhexe balse Moyes ayaa u isticmalay laacibkan booska kubadd sameeynta taasoo keentay inuu xiddigan dhererkiisu yahay 6ft iyo 5in ku fashilmo sagaalkii bilood uu u ciyaarayay United.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Suxuf caan ah oo ka shifay Xiddigihii ka dambeeyay in Samir Nasri laga reebo Xulka Faransiiska

Ciyaaryahan Robin Van Perise Oo ka dardaar wariyey jawiga dalka Brazil

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: