3:03 pm - Saturday August 23, 5360

Kulankii Ugu Horeeyey Taariikhda Koobka Adduunka Oo Nasasho Dheeraad Ah Biyo Cabid Iyo Is Rushayn Loo Ogolaaday Ciyaaryahanada

Aidarous
Ciyaaryahanada Portugal iyo USA oo Is Rushaynaya
Ciyaaryahanada Portugal iyo USA oo Is Rushaynaya

Kulankii barbar dhaca 2-2 da ah ku dhamaaday ee ku dhex martay Garoonka Arena Amazonia ee Magaalada Manaus, qaramada Maraykanka iyo Portaqiiska ayaa noqotay ciyaartii ugu horeysay ee intii uu jiray tartanka koobka aduunku ee nasasho yar “Water Break ” ama Biririf Biyo Doonasho ah loo ogolaaday ciyaaryahanada .

hi-res-00f7149a5c8b9e99af35961024e1d823_crop_north RT_beto_ml_140622_16x9_992Cimilada magaalada oo kulanka ka sokow ah mid aad huur u ah ayaa sababtay in garsoorihii ciyaartu daqiiqadii 39 aad ee ciyaarta, siidhiga ku dhufto, ciyaaryahanadana u ogolaado inay u dareeraan dhinaca ama cidhifka garoonka si ay biyo u cabaan , jidhkana u rusheeyaan mudo dhowr daqiiqo ah.

1297575143914_ORIGINAL Sida ay qortay wakaalada wararka ee Associated Press, Maxkamad ku taala wadanka Brazil ayaa ku amartay xidhiidhka kubada cagta aduunka ee FIFA, in ciyaaryahanada ay siiyaan wakhti kooban oo nasasho ah , 30 kii daqiiqaba hal mar, haddii heer kulka garoonku gaadho 32 heerka cabirka cimilada ah (32 degrees Celsius (89.6 degrees Fahrenheit).

eca86bd9ddb41511db0a2aIn kasta oo wakhtiga ay FIFA ugu tallo gashay nasashadani ahaa 3 daqiiqo , hadana Ciyaaryahanada labada xul ayaa 2 daqiiqo ku qaatay biyo cabid, hareeraha garoonka , kadibna ciyaarta dib ugu soo noqday.

Waa Markii ugu horeysay Taariikhda kubada cagta aduunka, oo loo Baxo nasasho ka baxsan tan qaybisa labada qaybood ee ciyaarta oo ah 15 daqiiqo.RSI SOCCER-WORLD/M30-USA-POR S SOC SPO WCUP US PT BRA

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Daniele De Rossi seegaya kulanka Koobka Adduunka Ee xulkiisu la  ciyaari doono dhiggiisa Uruguay

Di Maria Oo Qiray In Mustaqbalkiisa Real Madrid Muqdi Ku Jiro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: