Palermo 1-2 AC Milan: Inzaghi Oo Farxad Darteed Garoonka Ku Wareegay

Gool uu xiliyadii u dambeeyey ciyaarta shabaqa ku ruxay ciyaaryahan Jeremy Menez ayaa u horseeday AC Milan inay guul 2-1 ah ku khaarajiso Palermo oo marti ugu ahayd San Siro.

Menez, oo beryahaaba ku jiray kooxda xoojinta u diyaarka ah ee Milan, ayaa mar kale dhamaadkii ciyaarta oo 7 daqiiqo oo kali ahi ka hadhsan tahay u dhaqaajiyey kooxda tababare Filippo Inzaghi dhinaca naadiyada ugu sareeya horyaalka lix dhibcood oo kali ahna ka hooseysa kooxda kaalinta shanaad fadhida ee Napoli.

Inzaghi ayaa ugu dabaal deggay farxaddii goolka Menez ee guusha inuu orod is qaado oo la qaban kari waayay , isagoo ku wareegay garoonka ilaa callanka Koornaha ku yaala.

Guushan ayaa ka dhigaysa inay dhabawday rajadii uu shirkiisa jaraa’id ku iftiimiyey tababare Inzaghi ee ahayd inay qasab tahay inay guuleystaan si ay boos uga hellaan Horyaalada Yurub.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Varane Oo Ku Sii Jeeda Chelsea iyo Manchester United Midkood

Roma Oo 3 Dhibcood Oo Muhiim Ah Ka Boobtay Napoli

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com