Argentina Oo Rajadii Koobka Aduunka Mugdi Ka Galay Kadib Barbar Dhicii Venezuela

Xulka qaranka Argentina ayaa qabad kale oo rajadoodii koobka aduunka mugdi galisay la soo deristay Salaasadii kadib markii ay barbar dhac gool iyo gool ah isla dhaafi waayeen, xulka ugu hooseeya liiska kala saraynta isreb reebka koobka aduunka 2018 wadamada Koonfurta qaarada America, ee Venezuela oo marti ugu ahayd garoonkooda.

Venezuela ayaa si lama filaan ah ciyaarta hogaanka ugu qabatay bilowga qaybtii dambe, kadib markii John Murillo kubad difaaca loo dhaafiyey oo uu xerada ganaaxa la dhex galay si qurux badan uga kor laliyey goolwade, Sergio Romero oo masaafo goolka ka soo baxay.

Laakiin, xulka Argentina oo weeraro isdaba joog ah ku hayay goolka Venezuela ayaanay ku qaadan saddex daqiiqo inay la yimaadaan goolka bareejaha ciyaarta ku soo dabaalay, kaas oo uu isla shabaqiisa ku qabtay Rolf Feltscher, oo isku dayayay inuu ka saaro kubad uu meel khatar ah soo dhigay Mauro Icardi.

Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 1-1, rajada xulka Argentina ayaa ah mid 50-50 ah, maadaama ay kaalinta shanaad fadhido xili laba ciyaarood oo kali ah u hadhsan yihiin, lana rabo inay afar xul oo kali ah si toos ah ugu baxayaan koobka aduunka 2018 ee Ruushku marti galin doono.

Daawo Dhacdooyinkii Ciyaarta oo Dhamaystiran

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Honduras vs USA 1-1│Extended Highlights HD

Uruguay Oo Paraguay Ka Adkaatay Rajo Fiicana Haysata U Soo Bixida Koobka Aduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com