11:51 pm - Monday May 29, 2017

Manchester United Oo Cadho Gaamurtay Kula Dhacday Leicester City

Abdiwahab Ahmed

man-utd-banner12

Manchester ayaa gaadhay guul cajiib ah oo ay ku aamusiisay dadkii dhalleecaynayey qaab-ciyaareedka tababare Jose Mourinho iyo qaar ka mid ah ciyaartoygiisa.

Manchester oo garoonkeeda ku martigelisay Leicester City ayaa waxa ay ku karbaashtay 4-1, kulan uu kaydka fadhiyey kabtan Wayne Rooney oo culays badan oo la xidhiidha awooddiisa ciyaareed la saaray.

Chris Smalling ayaa Manchester United goolka koowaad u dhaliyey daqiiqaddii 22aad, waxaana mid kale ugu daray Juan Mata daqiiqaddii 37aad laakiin wiilka da’da yare e Marcus Rashford ayaa daqiiqaddii 40aad u raaciyey goolka saddexaad, iyadoo Paul Pogba uu gool madax ah ku aamusiiyey daqiiqaddii 42aad.

Afartaas gool ayey Leicester la-daalaa-dhacaysay inay iska soo beddelo, laakiin qaybta dambe farba way dhaqaajin waayeen wiilasha tababare Ranieri oo la moodayey in khadka dhexe laga curyaamiyey, goolka madiga ahna waxa daqiiqaddii 60aad u dhaliyey wiilka da’da yare e Demarai Gray. Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-1 ay guushu ku raacday Manchester United.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Jadwalka Ciyaaraha Maanta Iyo Caawa Ee Tooska ay U Tebin Doonto CADALOOL

RASMI: Xoghayaha Guud Ee Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Oo La Magacaabay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com