brazil

Kooxaha Ingiriiska ah ee Liverpool, Manchester City iyo Chelsea ayaa si is le’eg u qaybsan doona kharashka diyaaradda soo qaadaysa ciyaartoyga reer Brazil ee kooxahooda ka tirsan, kuwaas oo xulka dalkooda uga qayb-gelaya ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Philippe Coutinho iyo Roberto Firmino oo door weyn ku leh ciyaaraha Liverpool oo ay wehelinayaan Fernandinho oo Manchester City ah iyo Willian oo Chelsea ka tirsan ayaa waddankooda ku maqan, waxaana khasab ah in kooxahoodu ay bixiyaan kharashka diyaaradda dib ugu soo celinaysa Ingiriiska, si ay ciyaaraha toddobaadka soo socda ugala qayb-galaan.

Kulanka caawa uu waddanka Brazil la yeelan doono Peru marka uu dhamaado, ciyaartoygan ayaa u xidhxidhan doona inay si toos ah u tagaan madaarka ay ka raaci doonaan diyaarad khaas ah oo ay saddexdan kooxood u kireeyeen, taas oo ay tahay in ay England ka dejiso ka hor Jimcaha.

Liverpool, Man City iyo Chelsea ayaa ku heshiiyey in koox walba ay bixiso £30,000 oo diyaaradda Gulfstream ay ku keeni doonto England.