Liverpool Oo Sheegtay Lacagta Ay Ku Iibin Karayso Raheem Sterling

Sterling-v-TerryKooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa la sheegay in ay diyaar u tahay in ay iibso weeraryahankeeda da’da yar ee Raheem Sterling, kadib markii uu diiday in uu kooxda kala xaajoodo heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay.

Kooxda Liverpool ee lagu naanayso Reds ayaa sida uu qoray wargeyska Daily Mail, waxay dooneysaa in uu ciyaartoygeedan yari u saxeexo heshiis muddo kordhin ah kaas oo uu heshiiskiisa hadda uu kula joogo Liverpool dhamaanayo badhtamaha sannadka 2017.

Liverpool ayaa aaminsan in haddii uu Raheem diido in uu saxeexo heshiiska ay khasab ku noqonayso in ay sannadkan ama sannadka dambe badhtamihiisa xaraashto Raheem oo ah hantida ugu qaalisan ee ku jirta kooxdeeda, waxaanu wargeysku sheegay in ay ku iibin karayso lacag dhan £50million iyo waliba lacago dheeraad ah oo ku xidhan bandhig ciyaareedka Raheem ee kooxda uu u wareego.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Chelsea Oo Ku biirtay Tartanka ay Manchester City iyo Man United Ugu Jiraan Gareth Bale

Manchester United 3-0 Tottenham: Sawiradii Ciyaarta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com