11:34 pm - Thursday July 27, 2017

Markii Uu Dharka Ka Saaray Ciyaartoy Kale Ayaa Kaadh Cas La Siiyey

Abdiwahab Ahmed

dzeko

Kubad dhaliyaha qaranka Bosnia, Edin Dzeko ayaa kaadhka cas la siiyey ciyaar xamaasad badnayd oo ka tirsanayd isreebreebka koobka adduunka oo ay la yeesheen Gariiga.

Dzeko ayaa lagu siiyey kaadhka cas kaddib dib markii uu surweelka gaaban ee lagu ciyaaro kubadda ka saaray ciyaaryahanka Kyriakos Papadopoulos ee xulka Gariiga ka tirsan.

Dzeko oo 30 jir ah una ciyaara kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Roma ayaa dhulka ku dhacay ka dib markii ay kubad isku qabsadeen Kyriakos Papadopoulos daqiiqaddii 79-aad iyadoo kooxdiisu 1-0 ciyaarta ku hogaaminayso, isagoo dhulka yaal ayuu hoos u jiiday surweelka gaaban ama buumada Kyriakos Papadopoulos taasi oo keentay in la siiyo kaadhkii labaad ee huruud ahb sidaasina uu ku qaatay kaadhka cas.

Papadopoulos ayaa isaguna isla markiiba la siiyey kaadhka cas laakiin xulkiisu waxay ciyaarta barbar-dhac ka dhigeen daqiiqadii 95-aad.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Antoine Griezmann

Antoine Griezmann Oo Seegaya Ciyaarta Madrid derby

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qasriga Madaxtooyadda Kulan Sagootis Ah Ku Qaabilay Xulalka Awdal Iyo Saaxil Oo Iyagu Sannadkan Noqday Horyaaladda Koobabkii Goboladda Dalka + Sawirro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: