Mulkiilaha PSG Oo Baadhitaan Lagu Bilaabay Iyo Suurtogalnimada In Xabsiga Loo Taxaabo

Xeer ilaaliyeyaasha waddanka Switzerland ayaa bilaabay baadhitaanka fal-dambiyeeydo loo haysto mulkiilaha ahna guddoomiyaha kooxda kubadda cagta PSG ee Nasser Al-Khelaifi.

Fal-dambiyeedyada loo haysto Nasser Al-Khelaifi, ayaa waxa ay la xidhiidhaan silsilad musuq-maasuq oo muddo dheer soo taxanayd, taas oo ay xilalkooda ku waayeen masuuliyiintii maamuli jirtay FIFA iyo UEFA ee Blatter iyo Platini, hase yeeeshhee, Khelaifi waxa si gaar ah loola xidhiidhinayaa inuu u dhowaa ama xidhiidh la lahaa xoghayihii FIFA, Jeome Valcke, kaas oo la tuhunsan yahay inuu xuquuqda baahinta ciyaaraha koobka adduunka si sharci darro ah u siiyey telefishanka Bein Sports oo uu maamulaheeda sare yahay Al-Khelaifi.

Sannadkii hore ayaa xeer ilaaliyaha waddanka Switzerland waxa uu shaaciyey inay wadaan baadhitaanka dembiyo halis ah oo la xidhiidha maamul xumo oo uu ku kacay Valcke.

 

Warbixin ay khamiistii soo saareen Xeer ilaalinta Switzerland ayaa lagu sheegay in baadhitaano cusub ay ku bilaabayaan Al-Khelaifi, waxaana lagu yidhi: “Waxa laga shakisan yahay in Jerome Valcke uu aqbalay inuu xuquuqda baahinta ciyaaraha koobka adduunka FIFA ee 2018, 2022, 2026 iyo 2030 uu ku abaalmariyey warbaahinta dalal gaar ah. Nasser Al-Khelaifi na waxa uu ku jiraa warbaahinta xuquuqda lagu abaalmariyey, gaar ahaan koobka adduunka sannadaha 2026 iyo 2030.”

Valcke ayaa laga xayiray inuu ciyaaraha ku lug yeesho muddo toban sannadood ah, hase yeeshee, waxa aan weli go’aan laga gaadhin rafcaan uu ka qaatay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kaka Oo Ka Fadhiisanaya Ciyaaraha Kubadda Cagta

Ciidamo Hubaysan Oo Weeraray Telefishanka Ciyaaraha Bein Sports

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com