10:08 am - Wednesday June 28, 2017

RealMadrid Oo qorsheynaysa in Benzema ka Iibiso Arsenal si ay u hesho Suarez

Khadar Dirir

Naadiga Real Madrid ayaa isku diyaarineysa sidii ay Karim Benzema uga iibin lahayd naadiga Arsenal si lacagta ay ka hesho ay ugu kordhiso midda ay ku dooneyso inay kula soo wareegto xiddiga Liverpool ee Luis Suarez.

Warar ka imaanaya Talyaaniga ayaa soo jeedinaya in Real Madrid ay aragti fiican ka qabto inay soo iibsan karto Luis Suarez iyadoo ay jirto in laacibka uu mar dhow heshiis cusub u saxiixay naadiga Liverpool. Waxayna ka war qabtaa Real Madrid inay raqiis ku heli doonin laacibkan waana midda ay u dooneyso inay iibiso Benzema si ay lacagahaasi ugu kordhiso midda ay ku dooneyso Suarez. Juventus ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa laacibkan hase ahaatee Arsenal oo iyadu lala xidhiidhinayay 26-jirkan xagaagii la soo dhaafay ayaa loo badinayaa inuu u dhaqaaqi doono dhankeeda.

Haddii uu hirgalana heshiiskan waxaa difaacyada ku adkaan doonta inay hakiyaan weerar ka kooban, C. Ronaldo, Gareth Bale iyo Luis Suarez.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

War Qosol Badan: Xanjo uu cunayay Tababare Jürgen Klopp Oo lagu qiimeeyay 150-Euro

Pep Guardiola Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Inuu Noqonayo Bedelka Moyes ee Man United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: