3:09 am - Sunday June 25, 2017

Ronaldo Oo Kulanka Caawa U Ciyaari Doona Kooxdiisa

Aidarous

Tababaraha kooxda Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyey in uu Cristiano Ronaldo garoomada ku soo laaban doono kulanka Maanta ee Espanyol.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaawac soo gaadhay kulankii Real Valladolid kaas oo barbar dhac ay wada galeen. Sidoo kale, waxa uu ka maqnaa kulankii jabka weyni soo gaadhay Real Madrid ee ay kooxda Celta Vigo 2-0 ku garaacday Real Madrid.

Maanta waa kulankii u dambeeyey ee ay yeelato Real Madrid xili-ciyaareedka, waana ciyaarta gebogebada ee horyaalka, waxaanay is haleeli doonaan Espanyol. Ronaldo ayaa nasiibkiisu siiyey inuu kulankan ciyaaro sida uu xaqiijiyey tababare Ancelotti.

Cristiano Ronaldo wuu ciyaari doonaa, sababtoo ah wuu caafimaad qabaa.” Ayuu yidhi.

“Kooxda ciyaaraysa waxaan go’aamin doonaa berri (Maanta). Waxa kaliya oo naga maqnaan doona Pepe, Jese iyo Diego Lopez. Waxa aanu wakhti siin doonaa Sami Khedira waayo wuu u baahan yahay inuu ciyaaro maadaama uu muddo dheer ciyaaraha ka maqnaa. Saacad ayuu sii fiican u ciyaaray kulankii Celta Vigo, wax dhibaato ahna kuma ay keenin, waxaanu haystaa fursad Faynalka Champions League.

“[Asier] Illarramendi ayaa ah dookha koowaad ee faynalka (Khadka dhexe), hore ayuu uga ciyaaray booskaa, waxaanu noqon doonaa ninka halkaas qabta, waxaanu leeyahay tayo uu kulan kasta ku ciyaaro” ayuu yidhi.

Tababare Ancelotti waxa uu sheegay in kulanka maanta ay si fiican u ciyaari doonaan, maadaama uu yahay kulankii ugu dambeeyey ee ay xili-ciyaareedkan ku ciyaaraan garoonkooda Bernabeu Stadium. Waxa kale oo uu caddeeyey in kooxdiisu ay isu diyaarinayso kulanka kama dambaysta ee Champions League oo aanay muhiimad badan siinaynin kulanka maanta.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Cabsida Haysa Juventus: Ferguson Oo Conte U Sii Wada Manchester United

Luis Enrique Oo Qaaday Tallaabo Uu Ku Noqonayo Tababaraha Barcelona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: