Soomaaliya oo isu diyaarinaysa Ka Qayb Galka Koobka Afrika ee 2019

Gudoomiyaha Xidhiidhka kubadda cagta ee dalka Soomaaliya Cabdiqani Saciid, ayaa sheegay in dalkiisu uu rajaynayo in uu ka qayb galo tartanka Qaramada Qaaradda Afrika ee sanadka 2019-ka – soona afjari doonaan ka maqnaanshaha ay koob kaasi ka maqanyihiin tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1974.Xidhiidhka Kubada cagta Soomaaliya - Somali Football Federation

Soomaaliya waxa ay ka qayb qaadatay koobka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika hal mar oo kali ah, waxaana arrintaasi inta badan loo aanaynayaa ammaan darada, maalgalin la’aanta iyo kaabayaashii suurto gallin lahaa oo liita.

Dhamaan 54 dal ee Qaaradda Afrika, Soomaaliya iyo Eritrea oo kali ah ayaan ka qayb qaadanaynin tartanka loogu soo baxayo koobka qaaradda ee sanadka 2017.Xidhiidhka Kubada cagta Soomaaliya - Somali Football Federations

Cabdiqani Waxa uu sheegay in sanadkan dhamaadkiisa la dhamaystiri doono garoon cusub oo qaran, ayna rajaynayaan in ay diyaargarawgooda ku soo afjari doonaan inta ka horeysa sanadka 2019-ka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Gareth Bale Oo La Xaqiijiyey In Uu Dhaawac Ku Maqnaan Doono Ciyaarta Atletico Madrid

Qulqulka Dhiigga: Siddeed Ka Mid Ah Taageereyaasha Corinthians Oo La Dilay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com