3:10 am - Sunday June 25, 2017

Uruguay 2-1 England: Suarez Oo Dhirbaaxo Xun Ku Dhuftay Ingiriiska

Aidarous

Luis Suarez oo dhaawac kaga maqnaa xulkiisa ayaa kulankiisii koowaad laba gool oo uu kala dhaliyey labadii qaybood ee ciyaartu , ayaa adhaxda ka jabiyey xulkii England iyo taageerayaashiisiiba , una horseeday Uruguay inay 2-1  ku masaxdo  xulka Ingiriiska.

Uruguay oo 3-1 ay kaga naxsatay Costa Rica ciyaartoodii furitaanka Group D Sabtidi aynu soo dhaafnay, ayaa u baahnayd caawa guul ay ka gaadho ciyaartan si ay uga badbaado inay ka hadho koobka aduunka , maadaama uu ka horeeyo oo sugayo Talyaanigu ciyaarta kama dambeysta Group yada ee hormadoodu.

Suarez oo dhaawac kaga maqnaa ciyaartaas la tumay Uruguay Sabtidii , caawana isagoo aan ka wada badqabin dhaawaciisa la safay , ayaa ahaa isbedelka ugu weyn ee xulka koonfurta Maraykanku la shir yimid caawa, kaas oo kaga dhabeeyey riyadii Xulkiisa magaalada Soa Paolo.

Lixdaqiiqo oo kaliya ka hor dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta ayuu shabaqa dhigay goolkiisii koowaad, kubad qurux badan oo uu ka hellay Edison Cavani ayuu si farsamo badani ku jirto u dhaafiyey goolwade Hart, qaybtaasna sidaas ayaa lagu kala nastay iyadoo Uruguay hogaanka ku hayso 1-0.

Qaybtii dambe , Weyne Rooney ayaa England u dhalliyey goolkii barbar dhaca ahaa , kaas oo noqonaya , goolkii koowaad ee weeraryahanka Manchester United u dhaliyo xulkiisa , ciyaaraha koobka aduunka.

Laakiin shan daqiiqo ka hor dhamaadkii wakhtiga caadiga ah , ayuu Markale kubad la daba maray dhamaan xulka England , Luis Suarez oo shabaqa dhigay. kaas oo niyad jab weyn ku riday England iyo xulafadeedii taageeraysayba.

Wali ma dhamaanin rajadii England ee Koobka aduunku , waxaanay ku xidhan tahay , Talyaaniga oo Berri ka adkaada , Costa Rica , Todobaadka dambena Tuma Urugua ,  England-na todobaadkaas ku tumato Costa Rica,  taas oo lagu kala bixi doono Goolal tirsi , haddii sidaasi dhacdo weeyi e.

Sawirada Iyo Muuqaalada Ciyaarta ………..

e England vs Uruguay 1 England vs Uruguay 2 England vs Uruguay 3 England vs Uruguay 4 England vs Uruguay 5 England vs Uruguay 6 England vs Uruguay 7 England vs Uruguay 8 England vs Uruguay Suarez oo

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Colombia Oo Kabaha La Dul-martay Ivory Coast (Sawiraddii Ciyaarta)

Japan Oo Dhaafi Kari Weyday 10 Ciyaaryahan Oo Greece Ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: