10:10 am - Thursday June 29, 2017

Taariikhda Riyad Mahrez

Abdiwahab Ahmed
“Waxaad moodaa koolo in lugihiisa la mariyay marka aad eegto sida ay kubaddu ugu dhagto lugihiisa”

Taasi waxay ahayd qiimeyn hordhac ah oo laga bixiyay ciyaaryahanka u tartamayo abaalmarinta sandka 2016 e BBC-da, waxaana qiimeyntaasi bixiyay saaxiibkii carruurinomada, Madjid.

“Waxeynu ahayn kuwo midba midka kale la dagaalamo, sidaa darteed Riyad wuxuu u ciyaari jirey kooxdayada,” ayuu raaciyey hadalkiisa, isagoo dib u xusuusiyey ciyaarihii kubadda cagta ee xagaaga ay wada qaadan jireen, markii ay caruurta wada ahaayeen ee BeniSnous, oo ah magaalo dhacda waqooyi galbeed ee dalka Algeria.

Hadda adduunka oo idil wuxuu ka warqabaa in awoodda Mahrez layaabkeeda uu u muuqdo mid isaga hagaya jihadeeda – kooxaha ugu waawayn kubadda cagta ayaa ku tartama dadaalna ugu jira inay ku daraan kooxdooda.

Kadib markii uu qeyb ka qaatay in Horyaalka Ingiriiska ay kaalin wanaagsan ka gasho kooxda Leicester City sanadkan 2016-ka, taasoo kamid noqotey mid ka mid ah layaabkii taariikhda kubada cagta ee Ingiriiska, Mahrez ayaa la isula soo qaadey wada hadalo badan oo lagu falan qaynayey waxyaabaha uu qabtay, taasoo ay yeesheen kooxaha Chelsea iyo Barcelona.

Isu tagga Xirfadlayaasha Cayaartoyda caalamiga ah ayaa dhawaan u codeeyay inuu noqdo ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka waddanka Ingiriiska, taasoo ah Afrikan-kii ugu horeeyey ee magacaabistaas hela.

Riyad Mahrez

Waxay ahayd xagaagii markii uu Mahrez, ku biirey kooxda Leicester, isagoo ka soo wareegay Le Havre sanadkii 2014-ka, oo uu xiligaas saluugay lacagtii uu kula joogay oo dhameyd £400,000.

Layaab ma noqon in wixii intaa ka damebeysay, uu noqdo mid si weyn loo baadi goobayo

Kooxuhu waxay isku  garbinayeen sidii ay kusoo jiidan lahaayeen ciyaaryahanka Mahrez oo qaab dhismeedka jidhkiisu uu heer wanaagsan ku jiro – iyadoo ay taasi xiiso galineyso taageerayaasha, halka dhanka kalana ay tahay wax ay ku taamayaan ciyaartoyda ay kooxda ka wada tirsan yihiin.

Laakiin 25 jirka ayaa iska caabiyey doonitaanka kooxaha kale, illaa iyo xiligaa kadibna, wuxuu isku dhiiri galiyey inuu joogayo kooxda Leicester, si xirfaddiisa uu isagu sare ugu qaado mar kale.

Waxyar ayaa la iska weeydiin karaa go’aankiisa iyo dib u bogsashadiisa, iyadoo ka gudbay turan turooyin lasoo darsay.

Wuxuuba durbadiiba u dhaliyey afar gool kooxda Leicester xagaagan – saddex kamid ah waxuu dhaliyay intii ay socdeen ciyaaraha Horyaalka Yurub

Wuxuu kaalin wanaagsan baga soo baxay kooxda Algeria ka dib markii uu gaadhsiiyay heerka ah ka qeyb galka Koobka Qaramada Afrika ee sanadka danbe ka dhacaya Gabon.

“Riyad wuxuu ka dhigay kooxda mid weyn. Qof waliba ayaa haatan garanaya Algeria Riyad dartiis,” ayuu yidhi saaxiibka ka tirsan hay’adda International Mehdi Abied.

“Algeria marka aan joogno dhabtii Riyad rajo fiican ayaan ka qabnaa. Ma aha wax fudud inaad ka noqoto ciyaar yahanka ugu wanaagsan Horyaalka Ingiriiska.

“Qof walba oo Afrikaan ah wuu jecel yahay Riyaad. Waxaan xasuustaa inaan mar kulan u tagnay dalka Itoobiya kaasoo labada qaran ay wada yeelanayeen, taageerayaashu waxay u sacaba tumayeen Riyad, in ka badan inta ay u sacaba tumayaan kooxdooda Itoobiya!”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Riyad Mahrez, Toure, Ayew, Aubameyang iyo Sadio Mane Oo Ku Tartamaya Xiddiga Afrika

Waa Kuma Ande Ayew

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: