‘Markay Mexico inoo soo dirayso dadkeeda, inooma soo diraan kuwooda ugu fiican. Inooma soo diraan adiga oo kale, waxay inoo soo diraan dad mushkilado badan inagu abuura, Mashaqadaas ayay xageena isku soo dhaafiyaan. Waxay inoo soo waaridaan daroogo. Dambiyo ayay inoo keenaan. Waa kuwo wax kufsada. Qaarkoodna, waxaan qabaa inay yihiin dad fiican.’ 

usa-vs-mexico

Hadaladii xanafta badnaa, muranka badana dhaliyey ee uu Donald Trump ku galay ol-olihii doorashada suurto galiyey inuu wadanka Maraykanka madaxweyne ka noqdo, ayaa ahaa kuwo aad u qadhaadh oo uu si aan tudhaale lahayn isla markaana badheedh ah uu ugu weerari jiray dadka soo galaytiga ah ee wadankiisa.

Ma ahayn Mexico oo kaliya cida uu sida toos ah ugu bartilmaameedsaday weedhaha qadafka ah ee shacabka Soomaaliyeed eek u nool USA  ayaaba ahaa kuwa ugu badan ee uu af-lagaadadda joogtada ah ku hayay.

Jadwal ciyaareedka kulanka xulka Maraykanku kula ciyaarayo xulka qaranka Mexico ee isreeb reebka koobka kubbadda cagta Aduunka maalinta Jimcuhu, ayaa noqonaysa mid ku soo began tay xiligii ugu xasaasi Sanaa taariikhda labadan qaran ee deriska ah.

Trump waxaa loogu doortay madaxweynihii 45 aad ee Maraykanka, guul ammakaag iyo yaab ku noqotay cid walba kuna timid si lama filaan ah, waxaanay ka dambeysay, ol-ole, cunsuriyad iyo fadeexado waaweyn oo marba mark aka dambeysa soo baxayay ay hadheeyeen jidkii uu u maray degitaanka aqalka cad ee looga arimiyo USA.

Trump sidoo kale waa shaqsiga, 16 kii bilood ee ololaha uu ku soo jiray si uu u noqdo madaxweynaha ka hadda ka bedelaya United States, ay saldhiga u ahayd, ceebaynta iyo cambaaraynta baahsan ee uu sida nacasnimada ah ugu bartilmaameedsan jiray , quruumaha soo galeytiga ahi ee ay Soomaalida iyo Mexican-ku ugu horeeyaan, khaas ahaan, dalka la deriska ah oo uu dadkooda u soo gudba wadankiisa ku eedeeyey inay la soo galaan falal anxshaxa ka baxsan iyo maandooriye kaliya, isagoo cod doonkiisa ku bartilmaameedsaday, derbi ama gidaar uu ka dhisi doono xadka ay wadaagaan Mexico iyo Maraykanka.

Iyadoo labada wadan mudo dheer u soo adkaysanayeen xidhiidh aan cago adag ku taagnayn oo u dhexeeyey, ciyaarta dhex maraysa labada xul ee awooda badani, waxay muuqaal ka bixin doontaa aragtida guushii la yaabka lahayd ee uu Trump ku muquuniyey Murashaxadii xisbiga Dimuqraadiga ee Hilary Clinton.

Taas oo natiijadii ka soo baxday ay markiiba suuq-yada caalamka hoos u dhac balaadhan kaga keentay lacagta Peso-da wadanka Mexico, bandhiga garoonka MAPFRE Stadium ee magaalada Columbus wuxuu hordhac u noqon doonaa dagaal siyaasaddeed fool ka fool ah oo dhex mara labada qaran muddo xileedka Donald, kana duwan xiise ama ficil ciyaar kubbad cageed.

Dareenada siyaasiga ahi, way shidnaan doonaan, iyadoo xulka uu horjoogaha u yahay tabbobare Jurgen Klinsmann ay doonayaan inay natiijo fiican ku bilaabaan isreeb-reebka koobka aduunka 2018 ka ee Ruushku marti gallin doono.

Kulankani, wuxuu qayb ka yahay, dhamaadka wareega isku aadka  ee loo yaqaano lix geeslaha, oo ay xulalka kaalmaha koobaad kaga soo baxa heerka Group yada iyo kuwa kaalmaha labaad kaga soo baxaa ay ku hirdamaan kuna kala baxaan.

Mexico iyo USA, oo ku weheliyaan xulalka Costa Rica, Honduras, Panama iyo Trinidad and Tobago ayaa ku dagaalami doona isreeb-reebkan saddexda xul ee ugu dhibcaha sareeyaa ka soo baxaan, halka xulka kaalinta afraad noqdaa uu ciyaar isreeb reeb toos ah la ciyaaro, qaranka kaga soo baxa kaalinta koobaad isreeb reebka qaramada la isku yidhaahdo – Oceania.