Van Gaal: Manchester United Inta Ka Horreysa 2017 ayay Koob Ku Guuelysan Doontaa

Louis van Gaal ayaa wakhti u qabtay kooxdiisa ay ku guuleysan karto horyaalka wadanka Ingiriiska ee Premier League kaas oo uu sheegay in inta aan la gaadhin sannadka 2017 ay ku guuleysan doonaan koobab.

63 jirkan oo qalinka ku duugey heshiis saddex sannadood iyo badh ah oo uu xaggaagii hore ku yimid Old Trafford, ayaa waxa uu bishii March ee dhawaanta dhamaatay sheegay in Manchester United ay noqon doonto shaqadii ugu dambaysay ee kubadda cagta ah ee uu qabto, isla markaana uu gebi ahaanba ka fadhiisan doono shaqada tababarenimada.

Inkasta oo Manchester United ay ka hadhay labada koob ee FA iyo Carling Cup, isla markaana aanay rajo ka qaybin in ay horyaalka qaaddo, haddana waxa uu aaminsan yahay in inta aanu wakhtigiisu dhamaanin uu koob u qaadi doono kooxda Shadaadiinta Cascas.

“Waxa Aan haystaa wakhti saddex sannadood ah, waanan hubaa in aan ku guuleysan doono Champions League ama koob kale saddexaas sannadood gudahood. Waxa laga yaabaa in ay noqotaba sannadka dambe.”sidaas ayuu yidhi van Gaal oo warbaahinta la hadlayey.

“Nidaamkayga dibu-habaynta kooxdu si degdeg ah ugama shaqaynin halkan sababtoo ah markii aan kooxaha kale joogay, koobab ayaan u wada qaaday. Fikirkayagu waa mid koobab keena, fursad weyna waanu u haysanaa.” Ayuu raaciyey.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Arsenal v Chelsea: Line-Upka La Filayo Iyo Warbixin Kooban

Everton Oo Cashar U Dhigtay Manchester United, Dhaawaca Rooney iyo Oohinta Ciyaartoyga

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com