Vincent Kompany Oo Laba Maqaaxiyood Oo Ciyaaraha Lagu Daawado (Sports Bar ) Ka Furtay Wadankiisa Belgium

Kabtanka xulka qaranka Belgian iyo naadiga Manchester City ee , Vincent Kompany, ayaa xadhiga ka jaray laba meheradood oo cabitaanka iyo cuntooyinka fudud gaar u ah ciyaarahana lagu daawado.

Maqaaxiyaha ciyaaryahanku albaabka u furay , oo ku kala yaala labada faras magaale ee ugu caansan magaalooyinka Brussels iyo Antiwerp ee wadankaasi Belgium.

Good Kompany Sports Bar 5

Vincent, oo u bixiyey meheradihiisa “Good Kompany” ayaa ugu tallo gallay in si weyn loogala socdo dhacdooyinka ciyaaraha ee ka dhacaya dunida dacaladeeda , waxaana loo qaabeeyey hanaanka ugu sareeya , iyadoo lagu qalabeeyey muraayadaha Tv-yada ee ugu balbalaadhan , kuwaas oo dhinac kasta lagu dhejiyey , si loogu fududeeyo daawadayaasha inaanay ka jeedsanin ama gurac ku noqonin ciyaarta ay la socdaan.

Good Kompany Waxa kale oo lagu qalabeeyey, agabka ciyaaraha ee Electorics ah ” Games ” iyo barxad weyn oo si qurux badan fadhiyadii ugu dambeeyey loogu taxay.

Halkan Ka Daawo Sawirada Meheradaha Kompany.

Good Kompany Sports Bar

Good Kompany Sports Bar 2 Good Kompany Sports Bar 3 Good Kompany Sports Bar 4 Good Kompany Sports Bar 5 Good Kompany Sports Bar 6

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Pep Guardiola Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Inuu Noqonayo Bedelka Moyes ee Man United

Chelsea Oo Ay Ka Dhaawacmeen Petr Cech Iyo Terry – Difaacna Ku Muquunisay Atletico Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com