Wareegto : Brazil Sanadkii 1966, France 2002, Italy 2010… maantana Spain

Xulka qaranka Spain oo kow haddii aanu ka ahayn ka labaad ahaa xulalka loo sii saadaalinayay hanashada horyaalka Koobka aduunka ee caalamka , ayaa bilowgiiba ku bariiqday inuu muujiyo ciyaarihii looga bartay sanadkii 2010 oo la waayay cid ka hor istaagta biladii loo tartamayay, waxaanay noqdeen kuwo ku guulaysta sanadkaas si xarago leh , awood buuxdaana ka muuqato laakiin maxaa dhacay maanta.?

Waxa dhirbaaxo lama ilaawaan ah ku dhufatay Holland oo aynu ogayn, 5-1 khaladadkii ay galleen goolwade Cassilas iyo labadii difaaca u joogey tababare Vicente Del Bosque ee Gerrard Pique iyo Sergio Ramos ayaa dusha loo saaray guuldaradaasi, in kastoo xaalku ka gudo weynaa arintaas hadana yeelkee , eedaas wey aqbaleen raali gallina waa ka bixiyeen.

Waxaa la filayay in tababaraha xulka Spain , Isbedel muuqda samayn doono ciyaarta labaad si uu u sii xejisto ka sii mid ahaan shaha kooxaha hirdamaya , laakiin isla habeenkaasba waa diiday inuu isbedel samaynayo , wuxuuse ku dooday in khaladaadkii dhacay uun loo baahan yahay in la saxo.

Del Bosque wuxuu la soo shir tagay xallay, xulkii oo uu Laba ciyaaryahan dibada ka soo dhigay,kuna soo bedeshay laba kale, Wuxuu ka yimid labada laacib ee naadiga Barcelona , Gerrard Pique iyo Xavi , wuxuuna soo qaatay labada xidig ee Mid uu yahay ciyaaryahanka orodka badan ee isla Barcelona , Pedro iyo difaaca degenaantu astaanta u tahay ee naadiga Bayern Munich , Javi Martinez.

Laakiin ma noqon isbedel lagu tanaado , waxaanay Chile tustay aduunka in nidaamka Tiki Taka ama dhiibo oo dhaqaaq’ ee Spain iyo kooxaheedu caanka ku ahaayeen , wakhtigiisa dhamaaday , loona baahan yahay in wado kale looga wareego.
Guuldarada xallay ee Spain lagaga reebay koobka aduunku , waxay noqonaysaa kooxdii afraad ee iyadoo doorkii kan ka horeeyey uun koob aduunka qaadatay , hadana ku hadha heerka Hormaynta “Group Stage’.

Waxa ugu horeeyey Brazil oo sanadkii 1966 kii , group-yada ku hadhay , waxa xigtay Faransiiska oo 2002 isla meeshaas ku banjaray , Hadana Talyaaniga oo qaatay koob aduunkii 2006 , ayaa 2010 bilowgiiba dib ugu noqday Roma.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Muuqaalo – Spain Oo Ka Hadhay Koobka Aduunka

Daawo : Taageerayaasha Chile Oo Xoog Ku Gallay Qaybta Saxaafada Ee Garoonka Maracana

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com