WORLD Cup: Wakhtigii la qaban jiray Koobka Adduunka Oo La Beddelay

QatarGuddida fulinta ee FIFA ayaa si wada jir ah isugu raacay in koobka adduunka ee sannadka 2022 la qaban doono bilaha November iyo December, isla markaana ay ciyaarta ugu dambaysa ee koobka la kala qaadi doonaa ay dhici doonta 18 December.

Waxa jira walaac ay adduunyadu ka muujisay go’aanka FIFA, kaas oo ku khasbaya dhamaan waddamada in ay wax ka beddelaan jad-walka horyaalladooda, maadaama bilaha November iyo December ay tartamadaasi socdaan, waxaanu go’aankani khasab ka dhigi doonaa in labadaa bilood ay fasax ahaadaan dhamaan horyaalladu.

Wakhtigii caadiga ahaa ee la ciyaari jiray Koobka adduunka ee June iyo July ayaanay suurtogal ahayn in dalka Carbeed ee Qatar ee martigelin doona 2022 in lagu qabto, iyadoo ay sababtu tahay cimillada kulul ee Khaliijka oo aanay suurtogal ahayn in lagu ciyaaro. Bilaha June iyo July, waxay ku dhowaataa cimillada dalka Qatar ama dhamaan dalalka Carbeed in la dhaqaaqi kari waayo, amaba la arko wakhtiyada qaarkood dad u dhintay kulayl dartii.

Wakhtigii caadiga ahaa ee uu tartankaasi socon jiray ayaa laga soo gaabin doonaa shan maalmood si loo yareeyo saamaynta fasaxu ku keenayo jadwalka horyaallada.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Xidhiidhka Ingiriiska Oo Xaqiijiyey wakhtiga ay Arsenal ciyaari doonto Semi Finalka FA Cup

Kooxdii Ugu Dambeysay Ee Ingiriis Ah Oo Si Xun Uga Hadhay Horyaalada Yurub

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com