Xaflad Casho Oo Midaysay Ciyaartooyada kooxaha reer Manchester

Di Maria, Valdes iyo Caballero

Di Maria, Valdes iyo Caballero

Xiddigaha labada kooxood ee Manchester United iyo Manchester City ayaa ku kulmay xaflad casho sharaf ah oo ka dhacday Hotelka San Carlo Italian Restaurant oo ku yaala magaalada Manchester.

Ciyaartooyada reer Argentina ee u kala ciyaara labada kooxood ayaa dhamaantood ka qayb galay xafladdaas casho, waxaanay qaybsadeen kaftan iyo farxad ka muuqatay wejiyadooda iyagoo dhinac isaga leexiyey xurgufta iyo colaadda ka dhexaysa labada kooxood ee ay u kala ciyaaraan.

Xiddigaha Angel di Maria, Pablo Zabaleta iyo Marcos Rojo ayaa wakhti horeba iska xaadiriyey Hotelka iyadoo wax yar kadibna ay soo galeen Willy Cabellera oo ah goolwadaha labaad ee Manchester City iyo Victor Vales oo isna ah goolwadaha labaad ee Manchester United.

Martin Demichelis iyo xaaskiisa Evangelina Anderson oo salaamaya Pablo Zabaleta

Martin Demichelis iyo xaaskiisa Evangelina Anderson oo salaamaya Pablo Zabaleta

Di Maria waxa la socotay xaaskiisa Jorgelina Cardoso, Vales waxa wehelinaysay xaaskiisa Yolanda Cardona, Rojo waxa la socotay Eugenia Lusardo oo ah xaaskiisa.

Marcos Rojo  iyo xaaskiisa San Carlo

Marcos Rojo iyo xaaskiisa San Carlo

Caballerro, Zabaleta iyo Martin Demichelis oo ay la socdaan xaasaskooda Lucia Caballero, Christel Castano iyo Evangelina Anderson ayaa sawirro laga qaaday iyagoo casho u wada fadhiya isla markaana dhoolla-caddayn iyo farxad badan qaybsanaya.

Zabaleta iyo xaaskiisa Christel Castano

Zabaleta iyo xaaskiisa Christel Castano

Ciyaartooyadan ayaa xalay oo dhan ku sugnaa hotelka oo ay ka tageen wakhti dambe, iyagoo ciyaartooyada Manchester United ay is illowsiinayeen guul-darradii Sabtidii ka gaadhay ciyaartii Chelsea. Laacibiinta Manchester City ayaa iyaguna u damaashaaday guushii ay ka gaadheen West Ham maalintii Axadd.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sidee Ayuu Ancelotti U Buuxin Doonaa Booska Bale iyo Modric?

Arsenal v Manchester City: Kooxaha Haweenka Oo Gacanta Isula Tegay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com