Xulka Croatia Oo Uu War Xun Usoo Yeedhay Saacado Kahor Final-ka Koobka Aduunka & SHAN Kamid Ah Xiddigaha Muhiimka Ah Oo Seegay Tababarkii Ugu Dambeeyay.

Xulka qaranka Croatia ayaa helay war xun saacado kooban kahor Final-ka koobka aduunka ee ay maalinta berri ah la balansan yihiin xulka France kaddib markii shan kamid ah xiddigaha muhiimka ka ah safka tababare Zlatko Dalic ay seegeen tababarkii ugu dambeeyay ee xulku qaato maalinti Jimcaha ee shalay.

Xiddigaha xulka Croatia ayaa si rafaad badan kusoo gaadhay kulanka kama dambaysta ah ee koobka aduunka kaddib markii ay soo ciyaareen saddex kulan oo min 120 daqiiqo ah iyaga oo wakhti dheeri ah usoo baahanayay dhammaan kulamadii bug baxa ee tartankan.

Dhawaan ayay ahayd markii tababare Dalic uu ku dooday in haddii kulanka Final-ka wakhti dheeri ah la isla gaadho ay aad ugu adkaan doonto xulkiisa maadaama oo ay dhammaan kulamadii hore soo ciyaareen wakhtiyo dheeri ah iyaga oo kulamadii Denmark & Ruushka kusoo adkaaday gool kulaadyo halka ay wakhtigii dheeriga ahaa 2-1 kaga taqaluseen xulka England.

Haddaba xiddigaha kala ah Dejan Lovren, Danijel Subasic, Sime Vrsaljko, Ivan Perisic & Ivan Strinic ayaa dhammaantood seegay tababarkii jimcaha taas oo walaac ku abuuraysa tababaraha xulkaas iyo guud ahaan jamaahiirta xulka.

Xiddigahan ayaa la filayaa inay intooda ugu badani ka cabanayaan daal is biirsaday oo muruqa ah iyadoo xiddigaha garabka weerar ee Ivan Perisic & Daafaca bidix ee Ivan Strinic warwarka ugu badan laga qabo maadaama oo ay awoodi waayeen inay dhammaystaan kulankii Semi Final-ka.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.