3:03 pm - Monday August 23, 5238

Yaabka yaabkii : Kooxda Manchester City oo dooneysa Frank Lampard 

Khadar Dirir

Kooxda Manchester City ayaa la soo warinayaa inay xiiseynayo saxeexa laacibka khadka dhexe ee Chelsea Frank Lampard.36- jirkan ayaa heshiiska uu kula jiray Blues uu ka dhammaaday, waxaana lasoo warinayey inuu kooxdiisa ka tagayo xagaaga.

Warar soo baxayey ayaa sidoo kale sheegayey in dhammaadkii todobaadkii hore uu Lampard ogolaaday inuu ku biiro kooxda MLS-ka ka ciyaarta ee New York City, laakiin xilli ciyaareedkeeda ayaa bilaabanaya bisha March 2015.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Lampard ayaa caddeeyey inuu doonayo inuu u ciyaaro koox kale oo ka ciyaarta Premier League, laakiin City ayaa dooneysa inay ka faa’iideysato xiddigan lixda bilood ee uu howl la’aanta yahay ka hor inta aanu  u dhaqaaqin Ameerika.

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee David Villa ayaa sidoo kale ku biiray kooxda uu u dhaqaaqi doono Lampard ee New York.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Tababare Wenger Oo gacanta loo geliyay 100 Milyan oo uu ku soo iibsado ciyaartooy cusub 

Tababare Mourinho Oo  saddex xiddig midkood  uu dhoola-cadaynaya 

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: