3:16 pm - Thursday January 20, 7927

Zidane Oo Shaaciyey Magacyada 19-ka Ciyaartoy Ee Uu Kala Hor-tegayo Villarreal

157 Viewed Abdiwahab Ahmed 0 respond

Tababare Zinedine Zidane aya shaaciyey magacyada 19-ka ciyaartoy ee uu kulanka maanta kala hor tegi doono Villarreal oo ugu imanaysa garoonka Bernabeu.

Real Madrid oo ay beryahan dambe ka jiifto, ayaa liiska kooxdiisa ka reebay Dani Ceballos oo ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa kulankii Copa del Rey ay 2-2 la galeen Numancia toddobaadkii hore dhamaadkiisa, waxaana liiska magacyada maqan ku weheliya Marco Llorente iyo Ashraf Hakimi.

Kulankan oo la filayey inuu dib ugu soo laabto kabtanka kooxda, Sergio Ramos ayaan wali kasoo kabanin dhaawac uu u jiifay ciyaarihii u dambeeyey, waxaana sidoo kale badhtamaha kaga jira wakhtiga soo kabashada Karim Benzema oo dhaawac haleelay wakhtigii fasaxa ciidda Gaalada.

 

 

Keylor, Casilla, Moha, Carvajal, Jesús Vallejo, Varane, Nacho, Theo, Marcelo, Modric, Kroos, Casemiro, Asensio, Isco, Kovacic, Cristiano Ronaldo, Gareth Bale, Lucas Vazquez, Borja Mayoral.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Bayern Munich Oo 14 Dhibcood Hoggaanka Ku Qabatay, Kaddib Ciyaar ay Ku Burburisay Bayer Leverkusen

Inter Milan oo Heshiis La Gashay Laacibka Barcelona Ee Rafinha

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com