Zlatan Ibrahimovic: Chelsea Waa Carruur”

ibra..

Weeraryahanka kooxda PSG, Zlatan Ibrahimovic ayaa ku tilmaamay ciyaartooyada kooxda Chelsea carruur yaryar oo garoonka la soo geliyey.

Ibrahimovic oo kaadh casaan ah oo toos ah la siiyey ciyaarta qaybteedii hore markii uu kubbad ku qabtay Oscar, ayaa waxa uu ku tilmaamay kaadhkaas mid beddelay jewigiisa, waxaanu yidhi: “Waxaan kala garan waayey in aan cadhoodo iyo in aan qoslo markii aan arkay kaadhka cas”.

IbraIbrahimovic waxa uu intaa raaciyey: “Waxay iigu darnayd markii aan arkay kaadhka cas iyadoo ay ciyaartooyada Chelsea igu xeeran yihiin. Waxa aan dareemay sidii ay carruur badani igu hareeraysan yihiin”.

Zlatan Ibrahimovic ayaa waxa farxad u ahayd in uu arkayay kooxdiisa oo 10 ciyaartoy ku ciyaaraysa haddana ciyaar ku dawakhisay kooxda isqaad-qaadka badan ee Chelsea.

IbrahimovicTababaraha kooxda Chelsea, Jose Mourinho ayaa isaguna ka xumaaday casaanka la siiyey, waxaanu warbaahinta u sheegay in uu rajeynayo in UEFA ay ganaaxa kaadhka khaladka ah ka dhaafi doonto.

“Waanu wada hadalnay (Ibrahimovic), mar kasta oo uu ila hadlayana si daacad ah ayuu iila hadlaa, waanu ii sheegi lahaa haddii uu khaladkaasi ahaan lahaa mid casaan sababi kara, aad ayuu uga niyad jabay, waxaanan rajaynayaa in ay ka yarayn doonaan ganaaxa, ayna u ogolaan doonaan in uu ciyaaro quarter-finalka. Haddii aanu wax khalad ah samayninna waa uu u qalmaa in laga dhaafo oo uu ciyaaro” sidaas ayuu yidhi Mourinho.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Arsene Wenger Oo Gacanta Laga Geliyey £50m iyo xiddigaha uu calaamadsaday

Thiago Silva: Mourinho Waa Bilaa ixtiraam

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com